Sida ay wararku tibaaxayaan ugu yaraan 139 Tahriibeyaal ah ayaa dhintay, in ka badan 84 kalena weli waa la la'yahay, kaddib markii doon sidday 350 qof ay ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.
Sida maanta oo Axad ah ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, in ka badan 80 qof oo dhammaantood ah Itoobiyaan ayaa ka badbaaday shilkan oo dhacay habeennimadii Jimcaha.
Dadkii ka badbaaday shilkan ayaa sheegay in doonta oo sidday 350 qof, ay kasoo shiraacatay Jabuuti kuna sii jeedday Yemen, kadib-na ay ku degtay meel waqooyi ka xigta magaalada Obokh ee dalka Jabuuti.
Hey’addu waxa kale oo ay sheegtay in dadka maydadkooda la helay ay ku jireen ugu yaraan 52 rag ah, 42 dumar ah iyo 15 carruur ah, oo kala ahaa sagaal gabdhood iyo lix wiil.
Wakiillo ka tirsan IOM ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Jabuuti ay sii wadaan howlaha baadigoobka iyo samatabbixinta, iyadoo ay sii kordhayso walaaca laga qabo dadka weli la la’yahay.
IOM ayaa sheegtay inay diiwaangelisay in ka badan 20,000 oo qof oo ka gudbay Jabuuti una tallaabay Yemen bishii la soo dhaafay.
Yemen ayaa hadda ku jirta dagaal sokeeye oo xooggan. Sannadkii 2025-kii, in ka badan 900 oo tahriibeyaal ah ayaa la sheegay in ay dhinteen iyagoo isku dayaya inay maraan waddadan.
